Qarax weyn oo ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdish

0

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Isgoyada Dabka iyo Shaqaalaha ee Muqdisho. Qaraxan ayaa ahaa mid ka dhashay gaari waddada dhinaceeda la dhigay, iyadoo wararku intaas ku darayaa inay jiraan dad badan oo rayid ah ay waxyeello kasoo gaartay. Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa sheegay inay arkeen dhaawacyada dad illaa lix ruux ah oo dhaawacyo kala duwan qaba, dadkii goobta ku sugnaana ay kala yaaceen, wax badanna aan la ogaan karin khasaaraha uu dhaliyay qaraxan, maadaama uu goor-dhow dhacay. Meesha uu qaraxan ka dhacay oo ku dhow Shineemo Soomaaliya oo waddadaas ku taalla, inkastoo aan la ogeyn cidda lala beegsaday, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo waddada oo dhan xiray. Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore uu ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Maka Al-Mukarama qaraxa uu ku dhintay sarkaal hay’ada nabad-sugidda Qaranka Somalia; kaasoo ahaa mid loogu xiray gaarigiisa.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here