QARAXYO IYO RASAAS XOOGAN OO CAAWA LAASCAANOOD KA DHACAY

0
Waxaa goor dhoweyd oo saqdii dhexe ee caawa ka dib ahayd magaalada Laascaanood ka dhacay qaraxyo iyo rasaas xoog leh oo dabo socotay.

Sida uu xaqiijiyey qof goobjooge ah waxaa markii hore dhacay qarax weyn oo aan loo kala garanayn Bam Gacmeed ama Baasuuke, dabadeedna waxaa la furay rasaas xoog leh, wax yar kadibna waxaa dhacay qarax kale iyo rasaas daba socota.

Qaraxyada ayaa loo hilaadinayaa inay ka dhaceen aaga Qaybta Booliiska Gobolka Sool, maadaama ay goor dambe oo habeenimo ah ahayd lama garanayo khasaaraha ay geysteen, marka laga reebo qof shacab ah oo dhaawiciisa la cadeeyey.

Nin ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in aanay magaaladu horey u soo marin weerar la nooc ah , kuwa caawa ka dhacay.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here