Qaxootigii ugu horeeyay oo dalka Turkiga dib loogu celiyay

0

Qeybtii ugu horeysay ee qaxootiga sida sharci darada kusoo gelayo xeebaha dalka Gariiga ayaa dib loogu celiyay halkii ay kasoo galeen ee jasiiradaha Turkiga, iyadoo qorshahaan ay iska kaashanayaan labada dowladood. Qorshahaan ayaa qeyb ka ah heshiis dhex maray midowga Yurub Turkiga, kaasoo dhigayay in qaxootiga kasoo gudbaya Turkiga dib loogu celiyo, halkaasina lagu haayo si kmg ah. Qaxootiga ugu badan ee dib loogu celiyay ayaa ah kuwo kasoo cararay dagaalada ka socda wadanka Suuriya. Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa heshiiska dib u celinta ee Turkiga iyo midowga Yurub ku tilmaamay mid xiligaan suuragal aheyn, iyagoo cambaareeyay in la celiyo qaxootigaasi. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here