Qayb kale oo ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo Maraykanka laga soo Tagxeelay Muqdishona yimid

0

Muqdisho- Dhalinyaro Soomaali ah oo tiradoodu gaareysay 64 ayna ku jirtay haweeney ayaa laga soo dejiyey goor dhow garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ka dib markii si qasab ah looga soo masaafuriyey dalka Maraykanka.

Dhalinyaradan oo muddo badan ku jiray xabsiyada dalkaas ayaa lagu eedeeyey iney si sharci daro ah ku galeen dalka Maraykanka, iyagoo badankood ka talaabay xuduuda Mexico.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan markii laga soo duulinayey Maraykanka lagu soo xirxiray kuraasta dayuuradda, gacmahana laga katiinayeeyey sababo dhinaca amaanka ah awgood, waxaana la geeyey dalka South afrika, waxaana ka dib halkaas la soo saaray dayuurad kale oo keentay Nairobi, waxaana ka dib laga soo saaray dayuurad ay leedahay shirkada Jubba taasoo ugu dambeyn ka soo dejisay Xamar.

Intii aaney garoonka Aadan cadde soo caga dhigan dayuurada siday dhalinyaradan waxaa loo diyaeriyey ciidamo fara badan oo isugu jira nabad sugid iyo Boolis si ay uga hortagaan haddii ay rabshado dhacaan.

Inta badan dhalinyaradan ayaa la sheegay inuu qarash badan kaga baxay sidii ay ku gaari lahaayeen dalka Maraykanka, ayna mareen rafaad badan, waxaana ugu dambeyn fashil ku dhamaaday damacoodii ahaa iney shaqooyin iyo nolol fiican heli doonaan marka ay tagaan Maraykanka.

Shuruucda socdaalka ee dalka Maraykanka ayaa mamnuucaya inuu dalkaas ku noolaado qof ku soo galay tahriib, waxayna dhigayaan in dadka noocaas ah haddii la qabto dib loogu celiyo dalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Qaar ka mid ah dhalinyaradan oo aad u niyad jabsanaa ayaa sheegay iney xabsiyada Maraykanka ku jiren muddo saddex sano ah, ayna ku jireen nolol aan rajo aheyn, waxayna xuseen in intii ay xabsiga ku jiri lahaayeen ay u dhaanto dalkooda hooyo.

Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale garoonka Aadan cadde laga soo dejiyey qeybtii ugu horeysay ee dhalinyaro laga soo tarxiilay Maraykanka kuwaasoo tiradoodu gaareysay 93 ruux, waxaana la sheegaya iney weli jiraan Soomaali kale oo ku xirxiran xabsiyada dalkaas kuwaasoo la qorsheynayo in dib loogu soo celiyo dalka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here