qoraalkii hore sababaha ku kalifi kara Madaxweynuhu in uu codsado ama isku dayo qorshe Puntland gaas iyo dab ku shidi kara, xiisad aan dhamaana u keeni karta, taas oo waddo u noqon karta Madaxweyne kasta in uu dastuurka ka yeelo sida uu rabo, waxaana saldhig uga dhigney damaca Madaxweynaha in uu yahay fashilka ku yimid hirgelinta nidaamka xisbiyada iyo isbeddelkii siyaasadeed ee uu ballan qaadey.
Akhriso qormadii hore Qormadan waxaan ku eegeynaa qaabka uu u dhisan yahay Golaha Wakiilada Puntland iyo axdigii lagu dhisey, sida loo beddelo karo qodobo kamid ah dastuurka haddii aan dastuurka dhexdiisa lagu diidin in la beddeli karo, iyo waxa ka imaan kara haddii la fuliyo doontitaanka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas.Sidee loo qaybsadey Xildhibaanada Golaha Wakiilada PL?
Asaaskii Puntland waxaa lagu dhisey Axdi ay ka shaqeeyeen khubaro aqoon durugsan u leh Sharciyada oo uu kamid ahaa Cabdiqawi Axmed Yusuf, Madaxweyne ku xigeenka Maxkamadda Caddaaladda ee Adduunka, qodobada lagu xusey waxaa kamid ahaa tirada Xildhibaanada Baarlamaanka oo ah 66+3=69, Saddexda kursi ee dheer ayaa la siiyey saddexdii guddoomiye ee Jamhadihii SSDF, USP iyo SNU, saddexdaas kursi sharafeed ma ahan kuwo laga dhaxli karo, oo dib loo soo geli karo, haddii ay iska casilaan ama ka geeriyoodaan waxayna ay meesha ka saartey Jamhadihii Waqooyi Bari ka jirey ama Puntland wada dhistey. Tirada Golaha Wakiilada waxaa lagu qaybsadey Gobolo, oo ah shan gobol iyo deegaanka Buuhuudle, waxaana loo qaybsadey sida ka muuqata lifaaqa Axdiga hoose.
Dhegayso codka Madaxweynaha Puntland oo sheegaya in 50% Baarlamaanka laga maqan yahay
https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/05/Madaxweynaha-Puntland-Dr-Gaas.mp3Wax ka beddelka Dastuurka
Sida aan kor ku xusney dastuurka Puntland ee hadda waxa uu tixraac u yahay Axdigii Puntland lagu dhisay, haddaba ma ahan waxyi soo degay, waxaana dastuurku sheegay sida wax looga beddeli karo dastuurka, qodobka 139 ayaa dhigaya sidan: 1. Hindisaha wax ka beddelidda Dastuurka waxaa soo jeedin kara: b. Shan meelood oo meel (1/5) Xubnaha Golaha Wakiillada. t. Golaha Xukuumadda. j. Ugu yaraan shan kun (5000) oo muwaadiniin codbixiyayaal ah. 2. Markii soo jeedinta ay soo gaarto Golaha Wakiillada, waxaa falanqeynaya guddi gaar ah. Guddigu wuxuu soo jeedinayaa talo-bixin uu Goluhu ka doodayo, dabadeedna uu ku ansaxiyo hal dheeri. 3. Golaha Wakiillada wuxuu sameynayaa olole wargalin oo ku saabsan dib-u-habeynta, si loo xaqiijiyo in dadweynaha oo dhan ay xog-ogaal ugu noqdaan isbadalka lagu sameyanayo Dastuurka. 4. Muddo aan bil ka yareyn kadib, Goluhu wuxuu u soo bandhigayaa soo jeedinta in lagu ogolaado ama lagu diido tiro dhan saddex meelood labo (2/3). In dastuurka wax laga beddelo waxaa soo jeedin saddex qolo oo keliya, waxaana kamid ah Golaha Xukuumadda. [Golaha Xukuumadda] waxaa la isku yiraahdaa Madaxweynaha ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wasiirada, ma jiraa shir golaha xukuumaddu arrintan uga doodeen kadibna ay isku raaceen in ay soo jeediyaan oo u gudbiyaan golaha wakiilada, waxaa muuqata in aysan taasi jirin, Madaxweynuhuna codsi shakhsi ah u gudbiyey Afhayeenka Golaha Wakiilada. Haddaba miyaan Madaxweynuhu meel uga dhacin dastuurka in uu soo jeediyo in qodobka 60.2 la beddelo isaga oo aan Xukuumadda kala tashan ee keligiis warqad u diro Afhayeenka Golaha Wakiilada, waxaana muhim ah in cidda ay khuseyso ay kula xisaabtanto. Gunaanad Doonitaanka Madaxweynaha Puntland, waa mid ka hor imaanaya dastuurka kaas oo aan isaga keliya xaq u siineyn in uu dalbado in dastuurka wax laga beddelo, waxay leedahay caqaabib xumo aysan Puntland ka soo kabsan karin, taas oo salka ku haysaa in dadkii wada dhistey ay kala aamin baxaan. Ugu danbeyntii waxa xalku ku jiraa in Puntland hesho isbeddel siyaasadeed oo dhamaystiran, Inkasta oo Madaxweynaha muddadiisi ay ka harsan tahay sanad iyo bar uu weli qabo rajo ah in uu sameyn karo isbddel siyaasadeed oo looga guuro nidaamka soo xulista loona guuro nidaamka doorashada sida uu maalintii Sabtida ka sheegey Garoowe, inkasta oo aysan muuqan saan-saanyaheedi sida aan ku tilmaaney qormadii hore, waxaana la is weydiin karaa cuquusha Madaxweynhu la hadlaayey ee uu ku lahaa sanadka 2019 ayaan hirgelineynaa ‘Hal qof hal cod’. Haddii Madaxweynaha Puntland uu arkey caddaalad darro weyn in ay jirto waxaa muhim ah in uu dib ugu noqdo hab qaybsiga beelaha wadaga gobolada, la fariisto gobol walba oo dib ugu qaybiyo, cidda wax boobtey ka soo celiyo, waxaa la dhihi karaa dawadu halkaas ayey ku jirtaa, haddiiba ay jirto in la kala boobay ama in sanduukhyada la aado sida aad uu ballan qaadey. Haddii aan la helin isbadel siyaasadeed oo nidaam sharci ah oo xalaal ah ku yimaada waxa dastuurku sheegayaa qodobka 60 farqadiisa labaad. 60.2. Inta laga helayo tiro koob sugan, Golaha Wakiilladu waxaa uu ka koobnaanayaa 66 xilldhibaan oo dadweynuhu ku soo doorto codbixin guud oo toos ah. Waxaa amaan mudan Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo si aqlabiyad ah uga soo horjeestey doonitaanka Madaxweynaha Puntland ee horseedi kara in furo khilaaf aan dhamaan meelna uga dhici kara dastuurka Puntland, waxaa in badan oo shacabka Puntland ah u muuqda sida Shirguddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumaddu isugu milmeen, in golaha wakiiladu ay gabeen shaqadii loo igmadey ee la xisaabtanka Xukuumadda halka iyaga loo yeeriyo shaqadooda, waxaana Golaha Wakiiladu haystaan fursad ay mar kale ku hantaan kalsoonida dadka ay metalayaan. https://youtu.be/j_SVrQr9pGE Goojacade.com Garowe-Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>