QM oo ciidamo nabad ilaalineed u dirayso Burundi

0

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay qaraar lagu cambaaraynayo rabshadaha dalka Burundi ka socda. Sidoo kale qaraarka waxa uu wadada u xaarayaa suurtogalnimada ah in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalkaasi. In ka badan 200 oo qof ayaa la dilay, kumannaan kun oo qof oo kalana waa ay ka qaxeen dalkaasi tan iyo bishii April markaa oo Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go’aansaday inuu u tartamo xilka mar saddexaad, taasi oo khilaaf badan dhalisay. Danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay Mathew Rycroft ayaa sheegay in qaraarkan la gaaray uu caawinayo dhiirogelinta nabada dalka Burundi. Arbacadii Madaweyne Nkurunziza, ayaa waxa uu iska fogeeyay sheegashada ah in ay suuragal tahay in dalkaasi uu ka dhaco xasuuq, waxa uuna ugu baaqay dadka reer Burundi in ay midoobaan. Dhawaqa rasaas iyo qaraxyo ayaa weli qiyaastii maalinkasta laga maqli karaa magaalada Caasimadda ah ee Bujumbura. Cabsidaasi taagan ayaa waxa ay dad badan ku qasabtay in ay guryahooda ka cararaan. Midowga Afrika ayaa waydiistay ciidammada heeganka ee Bariga Afrika ee markii loo baahdo la diro, in ay isu diyaariyaan in la geeyo Burundi haddii ay xaaladdu sii xumaato, hasayeeshee go’aanka ciidamo halkaasi loogu dirayo ayaa kama dambeysta waxaa go’aan ka gaari kara Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. xigasho: bbcsomali]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here