Qormo ku Saabsan Diriirta dhextaal Beelaha Walaalaha ee Qayaad iyo Baharasame W/Q M.Biidhanshe

0

   ”Mar aan aayo la.aanta seedigay ugu aaro oo walshay asay qaado,Mar haday aqalkayga hadii layga adkaadiyo,hadaan raystay idhaahdaba marlay oohin u tahy bal maxaan ista fiiday Aan guda galo ujeedka maqaalkayga oo ka hadlaya Qiimaha nabadu leedahy iyo had iyo jeer Hadalada Nabada ah ay Bulshadu kuwada Hadasho Hadii laba qof isa salaamayaan waxay isku salaamaan. Maxaad sheegtay? Nabad baan sheegaye sow nabad maaha. Waxaa kaloo ka mida hadalada ay bulshada Soomaaliyeed nabada kaga hadlayaan Nabad galyo. Ma nabad tagtay? Reerku sow nabad maaha . Nabadbaan sheegnaye nabad ma lagu soo hoyday? Alla haydin nabad galiyo. Waanu nabad nimid. Nabad iyo caano ayaanu sheegnay. Nabad iyo caano wiil iyo caano. Noolaha dunida waxeey jecelyihiin ama naftooda tabtaa nabad! Qofkasta ee naga mid ah waxuu ku xiranyahay, oo naf ahaan, shaqsi ahaan, maskax ahaan iyo jir ahaanba ugu baahanyahay nabad iyo nolol! Nolol ma jireeyso, hadii ay nabad jirin, nabadna ma jireeyso hadii aysan nolol jirin. Nolosha baniiaadamka ee badanaa macaankeeda lagu tilmaamo maalka, caruurta, lamaanaha isjecel, cilmiga sare iwm waxeey baa’badaa markii Nabad la waayo. Marka dib loo raaco taariikhda bulshada Soomaaliyeed waxaad ogaanayaa inay aha yd bulsho colaad u joog ah oo had iyo jeer ay Soomaalidu ahaayeen kuwo dhexdo oda dagaalami jiray. Dagaalkaasi oo ku salaysnaa habka qabaa’ilka. sida coladan ka taagan koonfurta gobolka sool mudada dheer ee labada reer ee walalaha ah (Qayaad iyo Baharasame) Ka dhacaysaWaxaanay inta badan dagaalada Soomaalidu ka bilaabmi jireen sida in ay geel kala qaadaan amaba ceelasha biyaha oo ay isku laayaan. Hadaba waxaan Jeclaaday inaan gabay la hadlaya labada reere walaha inaan Idin soo Dhex galiyo maqalkyga uu tiriyey Alle Ha dhawree Astantii abwanada da.yar ee qarnigan jooga bulshada Ssc Kuleh Qiimo qadarin Qaamuus Qalbi qushuuc Waa shakhsi aan ku timaami Imuu yahay iftiin Usoo Baxay Abwanada soomaaliyeed waa  Gabyaa Cabduraxmaan Awtaad wuxuuna u dhici sidatan gabaygu Weyraxa dagaalkiyo warmaha weerarkiyo laynta inta wiilal danabbo ah xabbadi waaxda kala goysay Ee weerkiyo waraabuhu cuniyo haadda loo wadhayba Inta wadar xabaaleed la dhigay waalid iyo wiilba  Waayeel barbaariyo waxgarad warac intaad weyday  Wargeys laguma koobiyo war iyo webi muggiisiiye Waxba maadan korodhsane adaa waaxyahays jaray e Kala waabta waagii beryaba waad uun dirirtaane Oo wooh dhaha dadkii kala didyoo wabax taraarow ye ( wooh wooh !) Wadar inaad ahaataa ka roon waaxideysiga e Idinkaa walaaba ah iyo wehel islaameede Waddaduu ibleys dhagax dhigaad walashtamaysaane Ka waantooba waa iga tusmiyo talo nin waayeel e Oo wooh dhaha dadkii kala didyoo wabaxtaraarowye ( wooh wooh! ) Cadowgaa ku wiirsada dhibkiyo xidid is wiitayne Is warjeefiddiinnaa isaga wahab ka duulaaye O waxyeelladiinnuu rabaa waydin garanayne Inaad wiiqantuu doonayaa weydna noqotaaye Oo kolkaa siduu kaa warsado aad u weleftaayee Sikastaba ha ahaatee hadana somalidii hore waxay lahayd dhaqan aad u qiimo badan oo ay ku xaliyaan dhibaatooyinka soo foodsaara sida tan colaadan labada reer u dhaxaysa oo kale. Iyadoo hadii meesha dhiig yimaado laga heshiin jiray oo mag la kala qaadan jiray. Heshiisyadaa qaarbaa lays waydaarsan jiray gabdho oo la siin jiray reerka wax laga dilay iyadoo gabadhaas loogu yeedhi jiray Godobreeb. Waxaanay taas micnaheedu ka dhignaa in beeshu ilowdo wixii dhibaato ah ee lasoo maray, xidhiidh wanaagsan oo labada beelood ka dhexeeyaana uu meesha ka bilaabmo. Guntii iyo gunaanadkii Hadii aynu nahay bulshada Reer Ssc Waa in aan isku taageerno, oo aan u wada halgano helitaanka Nabadii laga dhex dhalin lahaa labada reer, Alahayoow deeganada cooladu ka tagantahy, Alahayoow dadkayga wallaga , Alahayoow diintayda, Duruufta ay ku jiraan, adigaa Raxmaan ahe ugu bedel Nabad iyo gacaltooyo aan go`in!! Nabad nabad nabad nabad nabad!!!!! nabad nabad nabad nabad nabad Ninyahoow nabada ugu duceeya Nabad!! W/Q Wariye Mohamed ahmed (M-Bidhaanshe)   Goojacade.com Laascaanod-soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here