Qurbejoogta Ugaadhyahan oo dooratay Gudoomiye, Afhayeen iyo wakiilka Jaaliyadaha

0

Gudiga qabanqaabada ee Qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan Siyaad ayaa shir ay xalay yeesheen oo ay kaga wada hadlayeen danaha dadka iyo degaanka iskaga dhex doortay Gudoomiye, Afhayeenka iyo Wakiilka Xidhiidhka Jaaliyadaha. Abdala Muuse Siciid Shibiin waxaa loo doortay Gudoomiyaha KGaadhka Qurbejoogta Ugaadhyahan. Khaalid Naxamed Muuse Dhiil Afhayeenka, iyo wacyigelinta Saxaafada. Ali Mahdi Maxamed Cade Xidhiidhiyaha jaaliyadaha Wadamada kala duwan. Talaabadan ayaa daba socota shirar iyo wadatashiyo beryahanba u socday qurbajoogta beesha, taas oo ku saabsanaa guud ahaan dana degaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. Qurbajoogta Ugaadhyahan ayaa laga codsay inay guud ahaanba la shaqeeyaan gudiga la doortay, loona fududeeyo inay xilkooda gutaan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here