Qurbejoogta Ugaadhyahan oo ku baaqay gurmadka degaamada Abaaruhu saameeyeen

0

Waxaa galabta oo bishu tahay 21.2.2016 dhacay Shir khadka telefoonka ah (Teleconference) oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah Qurbajoogta Ugaadhyahan ee dunida dacaladeeda. Shirka waxaa lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Abaaraha iyo sidii Qurbajoogtu uga qaybqaadan lahaayeen, sidoo kale dhismaha gudiyda Jaaliyadaha dalalka iyo Magaalooyinka kala duwan. Ugu horey waxaa shirka looga duceeyey in umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogtaba in ilaahay ka saaro Colaadaha, Abaaraha iyo dhibaha kale, iyagoo ilaahay uga beryey roob iyo naxariista ilaahay deg deg u siiyo. Dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa laysla gartay; In Qurbejoogta Ugaadhyahan meelkasta oo ay dunida ka joogaanba ay u diyaar garoobaan inay gacan ka geystaan dhibta ka taagan degaamada ay Abaaruhu saameeyeen. In Qurbejoogta dalkasta ay sameysato gudiyo gacan ka geysta ururinta gurmadka Abaaraha iyo danaha kale. In Jaaliyad kasta wixii ay ururiso ay si toos ah ugu dirto Gudiga Abaaraha ee dalkii gudihiisa ka jira, kuwaas oo ay iminka socoto sameyntoodii. In la joojiyo dhaqaale urursi kasta oo ka baxsan tan Abaaraha, kuwaas oo salka ku yaha siyaasad iyo wax la mid ah, qofkii dhaqaale bixinaya waxaa u khayr badan inuu ugu deeqo dadka dhiban ee walaalahood ah oo xoolahoodii abaartu galaafatay. In wixii dhaqaale ee horey loo ururiyey ama gacanta lagu hayo loo jiheeyo degaamada ay iminka duruufaha adagi ka taagan yihiin iyo dadka baahan. Ugu dambeyntii goluhu wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay iskaashadaan oo u gurmadaan degaan kasta oo ay dhibaatada abaaruhu saameeyeen. ALLAA MAHAD LEH AFHAYEEN QURBEJOOGTA UGAADHYAHAN KHAALID M MUUSE DHIIL]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here