R/W Kheyre iyo la-taliyaha Donald Trump oo Aqalka Cad ku kulmay

0
La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa war kooban kasoo saaray kulan uu Aqalka Cad ee Mareykanka maanta kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

John Bolton waa la-taliyaha gaarka ee madaxweyne Donald Trump ka talo siiya arrimaha la xiriira ammaanka qaranka Mareykanka, waana shaqsi muhiim u ah go’aanada siyaasadda dowladda Mareykanka.

Qoraal kooban oo Bolton uu soo dhigay bartiisa twitter ayuu ku yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta aan marti-geliyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, [Xasan Cali] Kheyre, waxaana ugu hambalyeeyey is-beddelada dhaqaale ee Soomaaliya, aniga oo ku booriyey inay si joogto ah usii wadaan.”

Bolton ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Kheyre ay ka wada-hadleen “sida lagu soo dheereyn karo xiriirka xooggan ee Mareykanka iyo Soomaaliya ay ka wadaagaan arrimaha muhiimka ah oo ay ku jiraan ka hor-tagga argagixisanimada iyo xasiloonida gobolka.”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa toddobaadkan Washington u jooga inuu kulamo la yeesho madaxda Bankiga Adudunka iyo hay’adda lacagta adduunka IMF iyo saraakiisha dowladda Mareykanka.

https://twitter.com/AmbJohnBolton/status/1116006440240590848
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here