Raiisalw Cumar iyo Madaxda Imaaraadka oo Garaad Saleebaan ku booqday Zayed Military Hospital

0

Raiisalwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka Tirsan Dawlada Imaaraadka Carabta oo uu ka mid yahay Safiirka Dawladda Imaraadka u Fahdiya Muqdisho ayaa galabta booqasho ugu tegay Garaadka Guud ee Gobolada Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ku jira mid ka mid ah cisbitaalka ugu sareeya ee dalka Imaaraadka Carabta ee la yiraahdo Zayed Military Hospital. zayed-military-hospital Masuuliyiinta labada dal oo u kuurgelayey xaalada Caafimaad ee Garaadka ayaa tegay qol VIP oo Garaadku ku jiro, waxaana goobta isugu yimid dhakhaatiirkii ku hawlanayd caafimaadka Garaadka, kuwaas oo warbixin ku saabsan xaaladiisa caafimaad siiyey masuuliyiinta labada dal. cumar-iyo-garaad-saleeban Koborada caafimaadka ee Zayed Military Hospital ayaa sheegay in xaalada Caafimaadka ee Garaadku soo wanaagsanaaneyso, iyagoo masuuliyiinta ka balanqaaday in intii awoodooda ah aanay waxba kala hadhi doonin daaweynta iyo daryeelka Garaadka mudada uu Cusbitaalka ku jiro. Raiisalwasaaraha iyo Masuuliyiinta Imaaraadka ayaa Garaadka qolkiisa mudo kula sheekaystay, iyagoo aakhirkiina u duceeyey, oo ilaahay uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo. Garaad Saleebaan oo ah Isim soo jireen ayaa Madaxdhaqameed u ah degaamada ugu balaadhan Gobolada Sool iyo Sanaag.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here