Raiisalwasaare hore Saacid Faarax Shirdoon oo Garaad Saleebaan booqday

0

Raiisalwasaarihii hore ee Dawlada Federaalka Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka saacadu markay ahayd 9:30 booqosho ugu tegay Garaadka Guud ee Gobolada Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud. Booqashada uu Raiisalwasaare hore Saacid booqday Garaadka ayaa waxay daaranayd u kuurgelida isbedelka caafimaad Garaad ee aad u raysatay. Saacid ayaa in mudo ah Garaadka kula sheegaysanayey qolkiisa VIP ee cusbitalka weyn ee Zayed Military Hospital oo Garaadku baadhis caafimaad iyo daaweyn igu jiro. Caafimaadka Garaadka ayaa waxaa iska khaashanaya Dawlada Federaalka Somaliya iyo Imaaraadka Carabta. Garaadka waxaa horey Cusbitaalka ugu booqday masuuliyiin sarsare iyo siyaasiyiin xilal sare soo maray oo uu ugu horeeyey Raiisalwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid iyo Masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka. cumar-iyo-garaad-saleeban Madaxweynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Xasan ayaa ka mid ahaa Madaxdii sarsare ee Garaadka Cusbitaalka booqday. madaxweyne-sheekh-shariif-garaad-saleebaan Caafimaadka Garaadka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey aad u soo fiicnaanayey.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here