Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo Jigjiga ka dagay

0

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa galinkii dambe ee Arbacada gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Dawlad Deegaanka Soomaalida, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda lala xiriiriyo ee FANA.

Abiy ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo gabagabada shirwaynaha tobnaad ee Xisbiga oo maanta lagu soo gabogabaynayo magaalada Jigjiga.

Wararka ka soo baxaya shirka ayaa sheegaya in Axmed Shide uu xajistay xilkiisii gudoomiyenimada xisbiga talada haya, halka Madaxweyne Mustafe Cumarna uu ka noqday gudoomiye ku xigeenka xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here