Raiisulwasaare Cumar oo si diiran loogu soo dhoweeyey Garowe

0

Ra’iisul wasaraha dowladda federalka Soomaaliya Cumar Cabdiarshiid Cali Sharmaarke ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe, waxaana kusoo dhoweeyay Madaxwaynaha dowladda Puntland, ku xigeenkiisa, Afhayeenka Baarlamaanka, Wasiiro, xildhibaan iyo boqolaal shacab ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay socdaalkiisa uu ku yimid Garowe inuu la xiriiro sidii loso ajfari lahaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo isla markaana jawi nabadeed loogu soo dabaali lahaa. Waxaa kale oo uu sheegay inuu u yimid in sidii dib magaalada loogusoo celin lahaa qoysaska ka barakacay. Cumar wuxuu sheegay inuu Puntland kalsooni ku qabo, inay ka go’an tahay xasilooniada gobolka, sidoo kalena maamulka Galmudug uu kalasoo hadlay nabada gobolka inay qeybtooda ka qaataan. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay inay dowladdiisa ka go’antahay nabadgalyada iyo xasiloonida gobolka, isagoo sheegay dhibaatadu inay ka bilaabatay dhulka Puntland oo maleyshiyada Galmudug ka hortimid in laami la marsiiyo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sii joogidoona Garowe illaa maalinta berito, iyadoo uu wada hadal la gali doono dowladda Puntland, waxaana safarkiisa ku weheliya xubnaha katirsan dowladda federalka Soomaaliya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here