Ra’isal wasaare Khayre oo safarkii ugu horeeyay Muqdishu uga dhoofay

0

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u ambabaxay dalka Qadar, kaasoo ah safarkii u horeeyay ee dibadda ah, tan iyo markii xilka Ra’iisul Wasaarenimada loo magacaabay dhamaadkii bishii February ee sanadkan. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, iyadoo magaalada Doxa kaga qeyb galaya shirka Doxa Forum. Sida ay sheegayaan wararka Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad ka helay shirka Doxa Forum oo sanadkiiba mar la qabto, kaasoo sanadkan looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha, qaxootiga. Waxaa shirka ka qeyb galaya wafuud ka socota dalal badan, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casumay. Shirkan ayaa socon doona labo cisho 14-15 bishan, waxaana lagu soo bandhigi doona doodo kala duwan oo la xiriira ajandayaasha shirka hor-yaala. Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Qadar ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo lagu wado inuu dhowaan booqdo Qadar, kaddib markii la soo gaarsiyay casuumaad rasmi ah oo boqorka dalkaas u soo diray. Akhriso Warbixin Shabakada Goojacade.com Ka Daabacday Safarka Raysal wasaaruhu Maanta kaga Anbabaxay muqdisho:- http://goojacade.com/2017/05/10/rw-kheyre-oo-dalka-uga-bixi-doona-safarkiisi-ugu-horeeyeyhalkee/ Goojacade.com Muqdisho-Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here