Ra’isal wasaare ku-xigeenkaTurkiga oo Muqdishu yimid [Sawirro]

0

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta magaalada Muqdishu soo gaarey wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga Sayn Bekir Bozda. Sayn Bekir Bozda waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay dhigiisa dalka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed, iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda Federaalka. Isagoo la hadlayay Warbaahinta, Sayn Bekir Bozda ayaa sheegay in dowladda Turkiga iyo shacabkeeda ay gurmad bini’aadanimo oo deg deg ah soo gaarsiin doonaan Somalia, si loo badbaadiyo dadka ay saamaysay abaarta. Sayn Bekir Bozda ayaa dhanka kale qalab dhismo iyo gaadiid gaaraya 52 gudoonsiiyay Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), si dib loogu dhiso Muqdishu. Madaxda sare ee dowladda Somalia, oo uu Ra’iisul wasaare Kheyre kamid yahay, ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Sayn Bekir Bozda, si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dalka. Wararka Goojacade.com uu helayo ayaa sheegaya in booqashada Sayn Bekir Bozda ay hordhac u tahay Booqashada la filayo inuu 10-ka Bishan ku yimaado Muqdishu Madaxweyne Erdogan, oo xariga ka jari doono saldhig military.
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here