RAJADA AMAANKA SOOL IYO SL WAA BEDELKA WASIIRKA, WAXQABADNA WAA NOO MASAAJIDKII AANU BURBURINAY

0

Lataliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Maxamuud (Xaaji Jeeni Yare) oo u waramay shabakada xaysimo.com ayaa ka dayriyey inuu soo fiicnado Amaanka Gobolka Sool oo beryahanba ka sii darayey. Xaaji oo horey u Gudoomiye uga soo noqday Gobolada Sool iyo Maroodi-jeex ayaa khibrada uu leeyahay dartiis, iyo qiimayntii uu sameeyey mudadii uu lataliyaha u ahaa Wasiir Daakhliga sheegay in Xalka Amaanka Sool iyo kan Somaliland uu ku xidhan yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Wasaarada laga bedelo. Waraysigiina wuxuu u dhacay sidan: S: Lataliye tan iyo maalintii laydin magacaabay adiga iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Amaanka Gobolka Sool waa ka sii xumaanayey, habeen walba waxaa dhaca dil, dhaawac ama falal nabadgelyo daro, shalay oo u dambeysay Dooxada tifafle dagaal khasaare dhaliyey baa ka dhacay, Ma la odhan karaa WAAD KA DARTEEN? J: Haa waa la odhan karaa, mana dafirayo, maalintii nala magacaabay Gobolku waa deganaa, waxaana joogay Masuuliyiin ka soo jeeda degaamo kala duwan, wax walbana waxay isbedeleen markii nala magacaabay, Talooyin badan oo aan Wasiirka u soo jeediyeyna wuu dhinac maray, Maamulkii Gobolkana wuxuu isugu wada geeyey Dhulbahante keliya, markaa laysma indho buuxinayo, reeraha aanooyin qabiil iyo xurgufo ayaa ka wada dhexaysa, markaa maamulkii si haboon laama fulin karo. S: Ma waxaad leedahay in Gobolka hal qabiil laysugu geeyo ayaa Amaan daradda ka masuul ah? J: Taas keliya maaha, Waxaa kow ka ah Wasiirka Arimaha Gudaha laf ahaantiisa ayaan ahayn ninkii u haboonaa inuu Maamulo Arimaha gudaha dal soo koraya, oo inta badan u baahan in Xeer beyti lagu maamulo, ama waxyaalaha qaarkood lagu xaliyo, hada ujeedadaydu maaha Wasiir kuma fiicna, laakiin waxaan u jeeda haddii Wasaaradaha sida, Waxbarashada , Kalluumaysiga, Degaanka, Beeraha iyo wixii la mid ah la geyn lahaa wax weyn buu ka bedeli lahaa, laakiin Arimaha Gudaha kibrada aan ka soo qaatay Maamuladii Gobolada iyo waxa Wasiirka iiga muuqday way ku adagtahay. S: lataliye waa sidee xidhiidhka adiga iyo Wasiir Faratoon? J: Ma xuma Aniga shaqaydu waa inaan taliyo, Wasiirkana waajibkiisu waa inuu qaato ama diido. S: Lataliye maxaa waxqabad idiin ah, mudadii Wasiirka Wasaarada loo soo bedelay oo aan ka ahayn, Dumintii Maasidkii dogoble iyo Degaamadii lagu muransanaa? J: Duminta Maasidku waxqabad nooma noqon karto, marka si loo eego waayo waa guri ilaahay, inagoo dad muslim ahna inaan masaajido Burburino oo niraahno waa lagu heshiin waayey ma fiicna, waana sababaha Abaarta laynoogu saliday, ilaa aynu garanona roobdoon kasta laynaga aqbali maayo. Si kastaba hayska ahaatee inkastoo aanan anigu taladeeda lahayn, hadana dan baa la mooday, ma dafirayo haddii aan xoog badan gelino inaan dadka walaalayn kari lahayn, sababtoo ah waxaa wax ka daran oo laga soo gudbay. S: Lataliye waxaan maqalnay in Wasiirku uu aadayo Gobolka Sool oo ilaa shalay rabshado ka socday degaanka tifafle xalinteeda u baxayo, Ma raacaysaa, Maxaad u raaci weyday? J: Horta Arintan Tifafle ee ilaa shalay gacan ka hadalkeedu bilowday waan ku kala aragti duwanahay, Wasiirku wuxuu u arkaa dhul iyo degaan qoyskoodu leeyahay oo loogu garnaqayo, aniguna waxaan u arkaa degaan Reer Sool iyo Somalilanba, mana garanayo goor reer gaar ahi yeeshay, balse waxaan go’aansaday inaan tiisa u daayo hadduu wax ku xalinayo, la soco anigu waxaan taliyaa ka ahay guud ahaan danaha Gobolada Barri iyo Somaliland ee arimaha qoysaska hoose lataliye kama ihi. Ugu dambeyn waxaan kuu sheegayaa in shaqada Lataliyaha Goboladda Barri Madaxweynuhu iigu Magacaabay khibrada aan u leeyahay si aan Wasiirka uga caawiyo, Aniguna waxba kalama hadhin. Mahadsanid.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here