Raxan Wasiiro iyo Kulmiye ah oo G.Sool loo diray iyo soo dhoweyn la'aan ku dhacday

0

Waxaa shalay oo bishu ahayd 17 May Magaalada Hargeysa ka ambabaxay koox isugu jirta Xukuumada iyo Xisbigeeda, kuwaas oo u jihaystay dhanka Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood. Raxantan oo uu horkacayo Wasiirka Qoyska Cali Sandule, ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo dhow wasiir ku xigeen, ayaa la sheegayaa in loo diray inay Magaalada Laascaanood ku qabtaan Xuska 18 May oo maanta ku beegan. Masuuliyiintan ayaa ilaa gelinkii dambe ku sugnaa degaanka Cadhi-Cadeeye, halkaas oo ay isku dayayeen inay ku abaabushaan dad (Barbaarta Gaashaaman) ku soo dhoweeya Magaalada Laascaanood, taas oo ay aakhir ku guuldareysteen. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya inay saqdii dhexe ee habeenkii 18 May soo gelaysay ay magaalada guure iyo weji gabax ku galeen, iyagoo aan wax soo dhoweyn ah kala kulmin dadka degaanka. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “DAWACO MEESHAY MACAL IDAAD KU BARATAY BAY MACALUUL UGU BAKHTIDAA”, horey ayaa masuuliyiintan qaar ka mid ah degaanka loogu soo dhoweeyey, inkastoo maanta dhabarka loo jeediyey. Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland ugu weyn ee WADDANI ayaa shaki xoogan ka qaba in degaamadaas khalkhal laga abuuro, maadaama ay jiraan dad isxambaar ah oo 25 sano goleyaasha ku jiray, kuwaas oo aan kalsooni ku qabin in dib loo soo doorto, iyagoo fursada keliya ee ay haystaan tahay inay Isxambaarkii soo celiyaan, taas oo ku imaanka karta in amaan daro laga abuuro degaanka. Barqonimada maanta ayaa la saadaalinyaa inay masuuliyiinta Xukuumada iyo Xisbigeedu xaflad ku qabtaan Laascaanood.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here