Raysalwasaaraha Soomaaliya oo baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya hawdka Nugaal iyo Sool

0

Ra’iisulwasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali sharmaake ayaa Baaq u diray Beelaha walaahaa ee ku dagaalamay Qorilay & deegaano hoos yimaada waxaana uu sheegay inuu aad uga xunyahay Dagaalka mudada soo noqnoqday. Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa Tacsi Qaran u diray dhamanba dhinacyada dadku uga geeriyoodeen dagaaladii ugu dambeeyay waxaana uu ku baaqay in lasoo da dajiyo sidii xal waara loo gaari lahaa. Cumar Cadirashiid wuxuu sheegay in ay dawladda Faderaalku gacan ka geysan doonto sidii colaaddaas xal kama dambeys ah looga gaari lahaa, isagoo tilmaamay in ay marar badan dhacday colaaddan, hadeerna ay ugu baaqayaan Madaxda dawladda, Issimada, Waxgaradka iyo Culumadda Diintu in ay qaataan doorkooda oo ay dadaalada nabdeed garsiiyaan guud ahaanba deegaanadan. Baaqyo Nabadeed ayaa soo baxayay tan iyo markii colaadu kasoo cusboonaatay hawdka Nugaal & Sool, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ku dhintay dad ku dhow 20 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here