Real Madrid oo mar kale noqotey horyaalka qaaradda Yurub 2017[Daawo Sawirro]

0

Naadiga Real Madrid ayaa noqotey kooxdii u horeysey ee difaacata koobka ay haystey tan iyo sanadkii 1993, waxaana ay habeenka sabtida ku guuleystey koobka Champions League ee horyaalaka naadiyada Qaaradda Yurub, kadib markii ay 4-1 uga adkatey kooxda ka dhisan magaalada Talyaaniga ee Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa goolkii ugu horeeyey ciyaarta dhaliyey, waxaana uu gool kale dhaliyey qaybtii labaad ee ciyaarta iyada oo guud ahaan goolasha Real Marid ay dhalisey ay ahaayeen 4 gool. Kooxda Juventus aya isla qaybtii hore ee ciyaarta keentey goolkii barbaraha oo ahaa mid aad u qurux badan, waxaana u saxiixay ciyaaryahanka reer Croatia Mario Mandzukic. Labada gool ee kale ee Real Madrid guushu ku raacdey ayaa yimid isla qaybtii danbe ee ciyaarta waxaa u kala dhaliyey Casemiro iyo Marco Asensio oo gadaal ka soo galay ciyaarta. Guusha Real Madrid ayaa macne weyn u leh tababaraha kooxdaas xidigii hore ee Faransiiska Zidane oo isagu horey ugu ciyaari jirey kooxda Juventus ee uu caawa dhulka ku jiidey ahaydna kooxdii Real Madrid ka soo gadatey sanadkii 2001, waxaana uu u horey ugu qaadey koobka Horyaalaka Yurub sanadkii 1997. Guusha caawa ayaa ka dhigeysa tababarihii u horeeyey ee ku guuleysta laba xili ee isku xiga horyaalaka qaarada Yurub, muddo dheer, isaga oo horey u soo hantey koobka Laliga ee horyaalka naadiyada Spanishka. Naadiga Real Madrid ayaa noqonaya kan ugu badan ee ku guuleystey koobka horyaalaka qaaradda Yurub waxaana ay ku guuleysteen 12 jeer. Juventus ayey u noqoneysaa habeen kale oo xanuun badan, waana Finalkii shanaad oo ay yimaadaan ciyaarta Champions League oo laga guuleysto, waana kooxda guuladarrada hoggaamineysa. Daawo Sawirada:- Goojacade.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here