Reer Buuhoodle "Cali Khaliif baa geystay dilkii shacabka Caroweyn "

0

Qaar kamid ah cuqaasha, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka magaalada Buuhoodle ayaa kulan ay maanta ku yeesheen gudaha magaaladani Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxa ay kaga hadleen dhacdadii naxdinta lahayd ee Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka Caro weyn ee gobolka Cayn taas oo sababtay dhimashada labo qof oo reer guur ah iyo dhaawaca saddex kale. Waxgaradka Gobolka Cayn ayaa masuuliyada dhacdaas dusha u saaray Cali Khaliif Galaydh iyo ninka ugu magacaaban gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamuud Sheekh Cumar Xasan. Cuqaasha, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaanka Buuhoodle ayaa si wada jir ah u cambaareeyey falkaasi oo ay ku tilmaameen mid aanan munaasib ahayn isla markaasna ay tacsi u dirayaan ehelada dadkii ku waxyeeloobay falkaasi, waxaana ay hogaamiyaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ugu baaqeen in uusan kusoo laaban gudaha magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn maadaama uu yahay shakhsi ka abuuraya deegaanka carqalad nabadgalyo. “Cali Khaliif wuxuu leeyahay tol, tolkii wuxuu joogaa Kalabaydh iyo Laascaanood iyo inta ka saraysa allahiin haduu alle yahay Cali Khaliif naga qabsada haduu meel wax ka tarayo halkaa wax haka taro gurigayaga yuunan nagaga soo noqon anagaa leh, nabadiisa nagaa leh, waxqabadkiisa anagaa leh allahiin haduu alle yahay yuunan nagaga soo noqon” Ayuu yidhi mid kamid ah cuqaasha, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaanka Buuhoodle. DAAWO: https://youtu.be/cNJ8Ay4nSL4 ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here