” Reer Hiiraan waxay shirka Jowhar ka tirsanayaan cadaalad daro"

0

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid xildhibaanada baarlamanka Somalia ayaa waxa uu ka waramay qorshaha haatan la doonayo in maamulka loogu dhiso gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee dowladda inay ka eexdeen gobolka Hiiraan ayna u eexdeen gobolka Shabeellaha Dhexe. “Madaxda dowladu wey ka eexdeen gobolka Hiiraan, madaxweynaha maamulka cusub waxaa la yiri wuxuu ka imanayaa Sh/dhexe, shirka maamulka lagu dhisaayo waxaa la yiri Sh/dhexe ayaa lagu qabanayaa, wax walba Sh/dhexe xagiisa ayey mareen, reer hiiraan waxba looma reebin” ayuu yiri xildhibaan Goodax oo intaas ku daray in cadaalad darada jirta ay heerkaas mareyso. Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ogyihiin in madaxweynaha uu wado qofka uu doonayo in madaxweyne uu ka noqdo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe taasina ay cadeyn u hayaan. Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa dadaalo ay ku dooneyso sidii maamul loogu dhisi lahaa gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe hase ahaatee dedaaladaas waxaa hor taagan caqabado kala duwan. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here