REER KHAATUMO SOMALILAND MEELI UGAMA BANAANA (MANSAB IYO GANACSITOONA Q 1AAD)

0

1991 Markii la bilaabay dhismaha Somaliland dadka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waxay ka cabsi qabeen in haddii ay Somaliland dhisanto ay noqonayso meel hal reer (beesha dhexe ama Isaaq) leeyahay, oo aan loo sinaan doonin, markay u haboonaatona ay sameyn doonaan xaqdaradii iyo dulmigii ay ka cabanayeen ee ay ka dagaalameen. Guud ahaan Dhulbahante waxaa u muuqatay in Gooni-isutaaga Somaliland uu khatar ku yahay, aqoonsigeeduna uu ka dhigayo xero cadaalad daro iyo aargoosi, taas bedelkeedana loo baahan yahay in Nabadgelyo lagu wada noolaado inta koonfurta Somaliya degayso, nasiib daro rubuc qarni kadib koonfurtii Somaliya waa degi wayday. MAXAA SOO BAXAY 25 SANO KA DIB? 25 Sano kadib waxaa soo baxay, wixii Reer Khaatumo ay Somaliland uga shakisanaayeen. Waxaa sameysmay Somaliland hal reer (Isaaq) leeyahay, sida sawirka hoose ka muuqata waxay isku taxeen dhamaan kuraastii ugu sareysay wadanka, Xisbiyadiiba iyo ganacsigii oo la xidhmaystay, kamana muuqato in cid kale la leedahay wadanka. [caption id="attachment_13172" align="alignnone" width="640"] SOMALILAND TAN MA REER BAA LEH MISE WAA LAWADA LEEYAHAY?[/caption] Golayaasha Dawlada, Xisbiyada iyo Musharaxiinta waxaa loo kala haystaa sidan: GOLEYAASHA DAWLADDA: Madaxweynaha Somaliland HABARJECLO Gudoomiyaha Golaha Guurtida HABARJECLO Gudoomiyaha Baarlamaanka GARXEJIS Gudoomiyaha Maxkamada Sare HABAR AWAL Gudoomiyaha Komishanka Somaliland ARAB. XISBIYADA: Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye HABAR AWAL Gudoomiyaha Xisbiga Waddani GARXEJIS Gudoomiyaha Xisbiga UCID GARXEJIS MUSHARAXIINTA: Musharaxa Madaxweynaha Kulmiye HABAR AWAL Musharaxa Madaxweynaha Waddani GARXEJIS Musharaxa Madaxweynaha UCID GARXEJIS. GOLAHA WAKIILADA: Xubnihii Golaha Wakiiladda ee SSC 50% waa la boobay, waxaana lagu xalaalaystay oo lagu boobay dimoqraadiyad, sharciga iyo dimoqraadiyadu mararka qaarkood waa waxa ugu xun ee dulmiga loo isticmaalo. GANACSIGA: Arintu boobku maaha mid ku eg jagooyin sarsare iyo Goleyaasha ee waxaa iyana dariiqa ku jira oo dad gaar ah loo xidhmeeyey ganacsigii wadanka, Tusaale ahaan waxaa Magaalada Laascaanood dusheeda ku xaniban Cable (xarig) internet oo nooca xawaarihiisu dheereeyo oo dad degaanka ka soo jeeda ay naftoodii iyo maalkoodiiba soo geliyeen, waxaana loo diiday Magaalada gudaheeda soo geliyaan, waayo waxaa loo xanibay nin kale ay aad isu dhow yihiin (Reer ahaan iyo xidhiidh ahaanba) MUSHARAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA KULMIYE MUUSE BIIXI CABDI. Qofku markuu wuxuu ka caban jiray ku kaco, macnaheedu waa Aargoosi. Maxaa laga faaiidayaa heshiisyadii AWRBOOGEYS IYO ADIS ABABA? LA SOCO QAYBTA LABAAD]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here