REER KHAATUMO SOMALILAND MEELI UGAMA BANAANA (QAYBTII 2AAD)

0

Qaybtii Kowaad waxaan ku sheegnay dareenka Reer Khaatumo ay Somaliland bilowgii uga maagayeen. In cadaalad daradii iyo dulmigii laga dagaalamay lagula kacay sida: Kuraastii wadanka ugu saraysay iyo Dawladnimdii oo hal Reer isku wada taxay, si aan gabasho lahayn, Xubnihii Goleyaasha oo Dimoqraadiyadii lagu boobay iyo Ganacsigii oo dad gaar ah loo xidhayo, anagoo tusaale u soo qaadanay Cable Internet oo ganacsato Reer SSC leeyihiin oo duleedka Laascaanood lagu hor joogo. HALKAN KA AKHRISO QAYBTII 1AAD: REER KHAATUMO SOMALILAND MEELI UGAMA BANAANA Horjoogsiga Ganacsigu Cable ka Internetka oo keliya maaha ee beryahanba waxaa buuq iyo is hor-taag lagu hayey GANACSADE MAXAMED JABUUTAAWI OO MAGAALADA LAASCAANOOD KA WADA MAALGELIN UU KU ABUURAYO KORONTO QIIME JABAN OO NADIIF AH (Clean Energy), si loo gaadho horumarka ka abuurma Korontada jaban ee joogtada ah. Mashruucan oo kale waa kuwa la dhiirigeliyo si ganacsatada kale ugu daydaan, laakiin ishortaaga iyo xanibaado lagu hayaa waxay meel ka dhac ku tahay Guud ahaanba dadka Degaanka, waxayna u arkaan inay ku khasaareen heshiisyadii AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE, oo ay noqdeen kuwo aan waxba soo kordhinayn. BURBURKA HESHIISKII AWRBOOGAYS: Heshiiskani wuxuu ahaa kii ugu dhowaa ee la wada galo, Nuxurkiisu wuxuu ahaa labo qodob: Qodobka 1aad wuxuu ahaa Somalilandnimada oo ay la yimaadeen kooxdii ka socotay Xukuumada Somaliland. Qodobka 2aadna Saami-qaybsiga (Power Sharing) quseeya dhamaan Goleyaasha iyo hayadaha kaleba, oo ay la yimaadeen Dhulbahantuhu, Saami-qaybsiga waa laysla saxeexay, laakiin waxaa lagu muransanaa qiimaha saamiga (Percentage –%), waxaana dhamaystirkooda loo balansanaa Diiwaangelinta ka dib. HALKAN KA AKHRISO HESHIISKII AWRBOOGAYS EE MAXAMUUD BARRI IYO SOMALILAND Xukuumada Somaliland iyadoo is baalmarinaysa in laga wada hadlo Qiimaha Saamiqaybsiga, ayey heshiiskaas dib uga guranaysaa, kadib markii ay aragtay in Kooxda Cali Khaliif ay uga qiimo jaban tahay oo aanay wax Saami-Qaybsi iyo Siyaasad ah ku xidhayn, sida ku cad heshiiskii ay Adis Ababa ku galeen. Socdaal Isxambaar ah oo qaar ka mid ah Xukuumada oo dabada ka wada Gudoomiyaha MUSHARAXA KULMIYE ay dhowaan Magaalada Laascaanood ku tageen ayaa waxgaradka degaanku ku adkaysteen fulinta hehiiskii AWRBOOGAYS, halka qoladii Somalilandna ay ku meeraalaysateen qof baan xil idiinku dhiibnay, mashaariic iwm, waxaana lagu soo kala boqoolay wejigabax, waxaana xaalada iminka loo fahmay kala qaybin, iska horkeen iyo isku lisid, mar qolo dhinac loola gelayo shirar aan midho dhal noqonayn. Wararkii u dambeeyeyna waxay tibaaxayaan in dhowaan dalka Jabuuti ay isugu tegi doonaan kooxda Cali Khaliif iyo Somaliland. HESHIISKII ADIS ABABA IYO RAJADA MUSTAQBALKA XISBIYADA. LA SOCO QAYBTA SADEXAAD]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here