Ruushka oo cadeeyay in bambo lagu qarxiyay diyaaraddii uga burburtay Masar una hanjabay

0

Sirdoonka Ruushka “FBS” ayaa war kasoo saaray baaritaanadii ay ku wadeen diyaaraddi dhawaan looga risay gacanka Sinai ee dalkaasi Masar, taas oo ay ku geeriyoodeen 224-ruux. Madaxa hay`addaasi Alexander Bortnikov ayaa warbaahinta u sheegay in ay heleen raadad tilmaamaya in bambo la saaray lagu qarxiyay diyaaradda taas oo u dhiganta 1,5 kiilo oo TNT ah. Madaxweynaha Ruuskha Vladimir Putin oo arrintan ka hadlay ayaa ku hanjabay in ay raadin doonaan cidda ka masuulka ah islamarkaana ay ciqaabi doonaan. “Ruushku kama hari dooni, meel walba oo ay adduunka ka joogaana wuu ku ugaarsan doonaa inagoo raaceyna qodobka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 51 kaas oo dhigaya in aan is difaaci karno”, ayuu yiri Mr. Putin. 224 ruux ayaa ku nafweysay burburka diyaaradda Metrojet taas oo kasoo kicitintay magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, iyadoona kusii jeeday St. Petersburg ee dalka Ruushka 31. oktober.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here