Ruushka oo cunaqabatayn ku soo rogay Turkiga

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Wadanka Turkiga ku soo rogay cunaqabatay dhaqaale oo ay kaga aargoosanayaan diyaaradii ay ka soo rideen. Tallaabooyinka uu Ruushku qaaday waxaa kamid ah xayiraad lagu soo rogay diyaaradaha gaarka ee u duula Turkiga, dalxiiska, iyadoo shirkada tikidhada la faray in aanay iibin, tikidhada dalxiiska ee wadankaas. Ruushku waxa uu dalbaday in Turkiga uu raaligalin bixiyo, taasoo Ankara ay ka cagajiidayso. Xiisada labada dalk u dhaxaysa ayaa sii xumaatay oo waxa ajira hadalo xanaf leh oo ay isdhaafsanayeen Sidoo kale arinka ayaa saamayn ku yeelatay wadamada ku lugta leh dagaalka Suuriya ka socda.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here