RW Somalia oo Baarlamanka horgeynaya go’aanadii shirkii madasha tashiga Qaran

0

Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu ka hadlay shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay. Waxaa uu sheegay in qodobadii ka soo baxay shirkan ay horgeyn doonaan dhowaan Baarlamanka Soomaaliya. “Maalinta beri ah oo sabti ah waxaan Baarlamanka horgeyn doonaa go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha wada tashiga qaran eek u saabsanaa qaabka ay u dhacayaan doorashooyinka dabayaqaada sanadkan dalka ka dhacaya” ayuu yiri raisul wasaaraha. Dhanka kale Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay shirka Jowhar ee maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo SH/Dhexe. Waxaan uu tilmaamay in shirkaas uu marayo meel wanaagsan, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in la dhameystiro, iyadoo wali ay jiraan Waxgarad dhaliilsan shirka ka socda magaalada Jowhar.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here