Rwasaare Cumar oo sheegay in doorashadu ay laba bilood dib uga dhici doonto

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo waraysi siiyay Barnaamij ka baxayay Idaacada iyo Telefishinka Dowlada oo ka dhacay xarunyta Radio Muqdisho ayaa ku sheegay in waqtidheeri ah lagu darayo xiliga ay dhaceyso Doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in isaga iyo Gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kawada hadleen in labo bil oo dheeraad ah lagu daro waqtiga ay dhaceyso Doorashada oo ku beegneed bisha September. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in wax dhibaato ah aysan u keeneyn labada bil ee lagu kordhiyay xiliga doorashada dhaceyso, laakiin buu yiri Hanaanka looga gudbayo doorashada lagu wado in dalka Soomaaliya ka dhacdo sanadkan waa inay ahaataa mid aan lagu degdegin. Wuxuuna yiri “Doorashada mar walbo waxa ay dhaceysaa sanadkan 2016-ka, waxaan kawada hadalnay aniga iyo Gudoonka Baarlamaanka in Xildhibaanada la siiyo labo bil si ay olole u sameeyaan, waana ku dadaaleynaa in Doorashada dhacdo waqtigii loogu tala galay, hadii ay kusoo aado iyada oo la shaqeenayana wax culees ah malahan in labo bil ay dib u dhacdo doorashada”. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadan ay ka adkana doonto kuwii hore ayna yaraan doonto in ay dhacdo musuq maasuq, waxa uuna tilmaamay in dad shisheeye ah oo kor joogayaal ah iyo Warbaahinta ay joogi doonaan goobaha cod bixinta si looga fogaado Musuq maasuq.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here