Sababta Maraykanku uga baqayo in Ruushka uu u dhacayo xogta doorashadiisa

0

Hadal qaadka dadka jabsada kombuyuutorada, ayaa mar lagu soo qaaday dooddi habeenkii Axadda dhexmartay labada musharrax ee u tartamaya madaxtinnimada. Labada musharrax waxay isku hirdiyeen eeda ah in dadka jabsada kombuyuutarrada oo Ruushka u dhashay ay doonayaan inay si u soo faro galiyaan doorashada oo codadka kombuyuutarradu tirin doonaan si cid gaar ah ugu shubaan. Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa waxaa dhexmaray dood kulul Axaddi. Laba maalmood ka horna, agaasimaha nabad sugidda Maraykanka ayaa farta ku fiiqay waxa uu ku sheegay amarro ka soo baxay xafiisyo sare oo dowladda Ruushka ah oo farayay dadka noocaas ahi inay tallaabo qaadaan. Dadka dhaliila Ruushka ayaa iyaguna ku dooday in haddiiba ay arrimaha noocaas ah ku kacaan Ruushku inay taasi noqon doonto mid aan xog la xado ku koobnaan doonin balse ay tahay in xogtaa ku dagaalami doonaan. Hadal hayntani waxay soo baxday bishii May markii gudida heer qaran ee dimuqraadigu ay sheegeen inay walaac ka qabaan sida kombuyuutaradoodu u shaqeeyaan, ka dibna ay ka codsadeen shirkadda CrowdStrike ee ka shaqaysa ilaalinta xogta kombuyuutarrada bal inay eegaan. Waxaa markaa la ogaaday in laba kooxood oo kuwa kombuyuutarada jabsada ahi ay kombuyuutarada guddiga si fudud ugu dhex jireen oo macluumaad kala baxayeen. Aqalka Ruushka looga taliyo ee The Kremlin ayaa beeniyay in Ruushka uu isku dayaya inuu farageliyo doorashada Maraykanka. Dhawr gobol oo ka tirsan Maraykanka ayaa iyagana lagu soo waramay inay billaabeen inay hubiyaan dhawrsanaaanta xogta kombuyuutaraddooda, gaar ahaan kuwa ay ku jirto xogta cod bixiyeyaashu. Nabad sugidda Maraykanka ayaa sheegtay in isku dayada lagu doonayo in lagu jabsado kombuyuurada markii la baaray la ogaaday in laga soo abaabulayo dalka Ruushka. Basaasidda iyo xog la xado ayaanan ahayn wax cusub, iyadoo dal kastaa oo ay ku jiraan Britain iyo Mareykanka ay arrintaa maanka ku hayaan. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here