Sacuudiga oo isbadalo ku samaynaya dhaqaalihiisa

0

Dowladda Sacuudiga ayaa ansixisay qorshe isbadalo wayn lagu samaynayo oo loogu tala galay in lagu casriyeeyo, dhowr noocna looga dhigo dhaqaalaha Sacuudiga. Qorshaha ayaa ah in la dhimo sida uu Sacuudiga ugu tiirsan yahay dhaqaalihiisa shidaalka shan iyo tobanka sano ee soo socda. Qorshaha ayaa la filayaa in lagu sameeyo laba trillion oo dollar oo lagu maalgalinayo adduunka oo dhan. ku dhawaad 80% lacagta Sacuudiga ayaa ka imaata shidaalka laakiin waxaa saameeyay sicirka shidaalka ee hoos u dhacay sanadkii hore. qayb ka mid ah qorshaha ayaala filayaa in shirkada sifdaalka ee waddanka ee Aramco ay samaysolacag maalgalin. Dhaqaalaha Sacuudiga ayaa badankiis ka imaada shidaalka. Isagoo ku dhawaaqaya isbadalka ayaa Amiir Mohamed bin Salman ku tilmaamay in waddankiisa uu shidaalka aad ugu tiirsanyahay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here