Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay Berrito ciid tahay

0
ciidwanaag

Dowladda Sacuudiga ayaa daqiiqado ka hor si rasmi ah ugu dhawaaqday in Maalinta Berrito ay tahay Kowda Bisha Shawaal.

Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha diinta Sacuudiga Sultan Bin Saeed Al Badi ayaa sheegay in Maanta ay tahay Maalintii ugu dambeysay Bisha Ramadan Berrina ah tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Shawaal.

Goaankan oo kasoo baxay maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa yimid kadib markii guddiga ay Dowladda u xirsaartay raadinta Bisha Shawaal ay soo sheegeyn inay Bisha arkeyn.

Waxaa jiro wadamo kale oo Islaam ah oo looga dhawaaqay in Ciidda ay tahay Maalinta Arbacada ah, waxaana wadamadaas hormuud u ah Malaysia iyo Indonosia, waxaana muuqato in dowladaha Islaamka ay isku khilaafeen dhalashada Bisha Shawaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here