Safiirka Maraykanka u fadhiya Somaliya oo booqday Somalida magaalada Minneapolis

0

Danjiraha dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, ayaa Soomaalida dalkaasi u sheegay in dawladda cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay inay ka shaqayso afar qaybood oo ay ku mid yihiin amniga, caddaaladda, dhismaha dawladda iyo dib u hesshiisiinta. Waxa uuna sidoo kale ka hadlay weerarkii dhowaan ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug, halkaas oo Maraykanka uu sheegay inuu ku duqeeyay ciidamo u dagaalama ururka Al Shabaab iyo maamulka Galmudug oo ka soo hor jeestay arintaasi sheegay in ciidankii la weeraray ay ahaayeen kuwii Galmudug. Danjiraha ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo baaritaano lagu xaqiijinayo sidii ay wax u dhaceen, iyo cidii diyaaradaha hogaaminaysay. Dowlada Mareykanka ayaa wali ku adkeesaneysa in duqeyntii labo maalin kahor ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo ay ku beegsadeen kuna dileen dagaalyahano katirsanaa ururka Al-Shabaab.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here