Salaadiinta iyo Cuqaasha Habarjeclo Bari iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha oo Kulan ku yeeshay Hargeysa

0

Salaadiinta iyo Cuqaasha Habarjeclo Bari ayaa shalay kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac. Shirkan oo ka dhacay guriga Wasiir Baashe Cali Jaamac waxaa ka qaybgalay Suldaan Carab Cabdi Cali, Jiif Caaqil Cali Xirsi, Maalqabeen C/raxmaan Faarax Xarbi, Agaasimaha Guud ee wasaarada Khayraadka Biyaha, Mudane Maxamed Faarax Cabdi, Xildhibaan Saleebaan Diiriye Barre, Cabdicasiis Aadan Ducaale iyo Faysal Cabdi Gaas, Dhalinyaro, iyo Waxgarad kale, halka dhanka kalena ay Wasiirka weheliyeen Cismaan Qawdhan Warsame, Kornel Dhulqas, Cismaan Duraan Axmed Kaar iyo Cabdirashiid Ibrahim Abyan. Odayaasha ayaa waxay Wasiirka ku bogaadiyeen shirarkii nabadaynta ee uu sanadkan dhexdiisa ka hirgeliyey Awr-boogays, Adhicadeeye iyo Diiwaangelintii taariikhiga ahayd ee ka dhacday Gobolada Sool iyo Sanaag. Waxaa laysla saafsaafay taariikhdii nabadaynta iyo shirarkii ka dhacay Gar-adag, Burco, Borama iyo Ceerigaabo ee sanadihii sagaashamaadkii. Waxaa laga wadahadlay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dedaaladii nabadeed, horumarineed iyo siyaasadeed ee uu Wasiirku ka soo shaqeeyey, iyagoo ku booriyey in aanu ka daalin dhamaystirkooda. Waxa layku afgartay in laga wadashaqeeyo dedaalada iminka socda, caqabadaha hortagana looga qaadi lahaa, loona hagaajin lahaa xidhiidhka iskaashi iyo deegaan ee ka dhexeeya dhulbahante iyo habarjeclo bari. Salaadiinta iyo Cuqaasha ayaa Wasiirka uga mahadnaqay kartida iyo hagrosho la’aanta waxqabadkiisa mudadii uu xilka hayey. Shirka ayaa ku dhamaaday weji wanaagsan iyo is afgarad. baashe-hbari4baashe-hbari3baashe-hbari2baashe-hbari1]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here