Salah Abdelsam oo lagu qabtay Brussels

0

Booliiska caasimadda Brussels ee dalka Belgian ayaa sheegay in ay xireen mid ka mid ah raggii lagu tuhunsanaa weerarkii Paris ee bishii November. Salah Abdeslam ayaa la qabtay kadib markii ay dhaawaceen booliiska la dagaalama argagixisada oo ku weerary xaafadda Molenbeek ee Brussels. Rasaas ayay dadku maqlaan ka dhacaysa deegaanka. Horay, ayaa dacwad soo oogayaashu ay sheegeen in faraha ninka laga helay guri ay ka daganaayeen magaalada Brussels, oo ay booliisku weerareen maalintii Tallaadada. Booliiska ayaa sheegay in laga yaabo in uu ka warhelay weerarka oo inta aysan booliisku goobta gaarin uu ka baxsaday. Boqol iyo sodon qof ayaa ku dhintay weerarkii Paris.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here