Saldhig Maraykanku ku leeyahay Afghanistan oo la qarxiyay

0

Qarax wayn ayaa ugu yaraan afar ruux ku dilay garoonka diyaaradaha ee Bagram ee ku yaalla dalka Afghanistan sida ay saraakiishu sheegeen. Waa saldhiga ugu wayn ee millatariga Maraykanku ku leeyahay dalkaas. Ugu yaraan 14 kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi sida uu BBC-da u sheegay Haji Shookor oo ah gafarnatoore. Ururka Taliban ayaa sheegtay in weerarkaas ay gaysteen qaar ka mid ah oo isqarxiyay kuwaas oo bartilmaameed saday meel lagu cashaynayay. Saldhigan oo u dhaw magaalada Kabul ayaa weeraro joogto ah lagu qaadaa. Saldhiga Bagram waxaa la weeraray isaga oo lagu xusayo maalinta halgamayaasha ee loo yaqaanno Veteran’s Day. Jeneraal John W Nicholson oo ah taliyaha ciidammada Maraykaka ee Afghanistan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dadka dhaawacmay uu u xaqiijinayo in ay heli doonaan daryeelka caafimaad ee ugu wanaagsan ee ay awoodaan ayna la murugoonayaan ehelladii iyo asxaabtoodiiba. Jeneraalku Ma uusan shaacinin cidda ay u kala dhasheen dadka ay waxyeeladu soo gaartay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here