Sanders oo ku guulaystay Washington iyo Alaska

0

Ninka u tartamayo musharaxnimada madaxtinimada xisbiga Dimuqraadiga, Bernie Sanders ayaa ku guulaystay goballada Washington iyo Alaska. Sanders ayaa isku dayaya in uu yareeyo farqiga u dhaxeeya isaga iyo Hilary Clinton. Senator Sanders waxaa la qiyaasayaa in uu helay 72% codadkii Washington halka Clinton ay heshay 27%. Warbaahinta Maraykanka ayaa ku waramaysa in codadkii laga dhiibtay gobalka Alaska uu Mr. Sanders ka helay 79% halka Clinton ay heshay 21%. Waxaan wali soo bixin natiijooyinka doorashooyinka isreeb-reebka gobalka Hawaii, halkaasoo qiyaasaha ka soo baxaya ay muujinayaan in Senator Sanders uu ka horreeyo Hilary Clinton.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here