Saraakiisha AMISOM oo ka shiray dardar gelinta howlgalada Al-Shabaab

0

Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ee ka kala socda wadamada ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi looga hadlayay xoojinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo isku xirnaanta ciidamada AMISOM ee dalalka kala duwan ka socda. Shirkaan ayaa furitaankiisa waxaa ka hadlay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira, isagoo sheegay in caqabadaha Al-Shabaab ay ka timaado kooxo yaryar oo isku xiran, loona baahan yahay in la burburiyo. Ku-simaha taliyaha AMISOM Major General Mohammedesha Zeyinu ayaa ku adkeeyay carabka in la helo dhismaha iskaashiga u dhexeeya AMISOM, Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo bulshooyinka in qaybaha kala duwan si looga guuleysto kooxaha xagjiriinta ah. Taliyeyaasha kasoo qeybgalay shirkaani oo ka kala socda Sector-ada ay ka kooban yihiin sida Ugandha, Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ee ka howlgalada gobolada dalka iyo gudaha Muqdisho.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here