Sawiro: Booliska Faransiiska oo Muslimad ku qasbay inay meel fagaare ah dharka isaga bixiso

0

Ciidamada boolis Faransiiska ayaa si qasab ah dharka uga dhigay meel fagaare ah haweeney Muslimad ah oo xidhneyd dharka asturan isla markaana u xijaabnaa madaxa xili ay ku sugneyd xeebta Nice. Haweeneydan oo magaceeda ku sheegtay Siam ayaa lagu amray in ay bixiso dharka xijaabka ah si ay ula mid noqoto dadka xeebta ku sugnaa, waxaana la sheegay in la dul dhigay ganaax lacageed. Dalka Faransiiska ayaa waxaa ka mamnuuc ah xijaabka asturnaanta ah ee Haweenka Islaamka xidhaan, iyadoo arintaasina ay ka horeysay weeraradii argagixiso ee kooxda ISIS ka fuliyeen Faransiiska. “Waxaan la joogay qoyskeyga xeebta,”ayay tidhi Siam oo 34 sano jir ah “Waxaan xidhnaa dhar caadi ah oo madaxana aan ku daboolay qorshahayguna ma ahayn in aan dabaasho.”ayay tiri gabadhan. Qof goobjooge ah oo goobta ku sugnaa ayaa sidoo kale ka hadlay dhacdadan oo yidhi; “Arrinta ugu murugada badneyd waxa ay ahayd markii dad goobta ku sugnaa ay ku dhawaaqeen ‘Ka tag meesha oo gurigaaga ku laabo’ halka qaar kalana ay u sacbinayeen ciidamada Booliska,”ayay tidhi. Waxayna haweeneydaas goobjooga ahayd sii raacisay “Gabadheeda waa ay ooysay.” Mamnuucida ay magaalooyin ku yaal koofurta Faransiiska mamnuuceen ayaa waxaa racfaan ka qaatay ururada u dooda xuquuqda dadka iyadoo la filayo in maxkamad ay go’aan ka gaarto khamista. niqaab-booliis-france-3niqaab-booliis-france-2niqaab-booliis-france-1]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here