Sawiro: General Cadde Muuse oo maanta Boosaso lagu aasay

0

BOOSASO- Alle ha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay Magaaladda Boosaso madaxweynihii hore ee Puntland General Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo 8 bishan aynu ku jirno ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta oo uu mudooyinkan danbe degenaa, waxaana maydkiisa Boosaso keenay diyaarad khaas ah. General Cadde wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed magaca ku dhex lahaa, wuxuu kaloo mar noqday gudoomiyaha gobolka Sanaag 1974 wakhtigaas oo uu dadka degaankaas kala qayb qaatay gurmadkii abaartii Soomaaliaya ka dhacday 1974. General Cadde wuxuu ahaa madaxweynihii 3aad ee Puntland 2005-2008. Wuxuu ahaa hogaamiye niyad wanaagsan oo mawqifkiisa cadeeya. Alle ha u naxariistee General cadde oo maanta lagu aasay Qabuuro ku yaal Boosaso waxa aaskiisa kasoo qayb galay boqolaal qof oo isugu jira qaybaha bulshada iyo inta badan Madaxda Puntland. Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayey in uu aaska ka qayb galo ayaa ka cudur daartay, sii hayaha raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, raysalwasarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Gudoomiye ku xigeenka labad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa Muqdisho uga yimid ka qaybgalka Aaska. Daawo Sawiro aaska    ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here