(Sawiro) Kulanka Bulshada Reer SSC Ee Belgium iyo Axmed Saleban Dafle

0

Waxaa maanta soo gaadhay magaala madaxda 2aad ee dalka Belgium madaxweyne xigihii hore ee dalka Somalia Gen Axmed Saleebaan Dafle, halkaasoo uu qado sharaf ugu sameeyey Dr Aadan X. Faarax Waxaa kulankan iyana kasoo qayb galay qaar kamida odayaasha & xubno kamida gudiga reer SSC ee dalka Belgium/magaalada Antwepen .waano, hoga tusaaleyn & taariikho kadib waxaa laysla gartay qodobadan hoosku qoran. 1)Mudane Axmed Saleebaan Cabdalle waxa uu duco u direy Garaad Saleebaan Garaad Maxamed G Maxamuud in ilaahay caafiyo si deg-degana Eebe dhulkiisii ugu soo celiyo. 2)Waxaa mudane Axmed Saleebaan & Jaaliyaddu isla qaateen in la taageero baaqii isimada ee kala danbeeyey gaar ahaan baaqii Garaad Saleebaan & kii Garaad C/risaaq G Soofe ee uu kaga wakiilka ahaa isimada inta kale ‘ayna fadhiyeen waxgaradka reer Buuhoodle. 3)Mudane Axmed Saleebaan Dafle wuxuu ummada Somaliyeed ku booriyey inay ka shaqeeyaan midnimada Somalia , lana garab istaago qaranka Somaliyeed ‘simug & miisaan lehna loo taageero dawladda cusub ee Somali ka curatay. 4)Waxaa jaaliyada & mudane Axmed Saleebaan hoosta ka xariiqeen in talada gobolada SSC ay ku ogyihiin isimada & waxgaradka Dhulbahante. 5)Waxaa laysla qaatay inaysan metelin, shaqo kulahayn, dirsan, waxba kagelin, qusayn waxa uu wado Cali Galayr isla markaana sharafta & midnimada lagu dhaawacayo . 6)Ugu danbeyn waxaa laysla qaatay in si baaxad leh looga qayb qaato abaaraha ku habsaday dhulka somalia, lagagana qayb qaato maqaam soomaaliyeed. Sawiro        

Fikradaha Akhristayaasha (0)

 
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here