Sawiro Nicholas Kay oo Somaliya ka dhoofay iyo sagootin garoonka loogu qabtay

0

Waxaa shaly gelinkii dambe ka dhoofay magaalada Muqdisho wakiilka Qaramada Midoobau u qaabilsanaa Soomaaliya Mr. Nicholas Kay kaas oo dhawaan la badalay. Xaflad sagootin ah oo uu ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdusalam Hadliye Cumar iyo bahda shaqaalaha UN-ka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo ay taagneyd diyaaraddii qaadi laheyd mr. Kay. Nicholas Kay ayaa waxaa uu jagadan hayay mudo labo sano ah, waxaana intii uu xilka hayay uu qabtay shaqooyin la taaban karo oo ay ka mid tahay in uu gudaha Soomaaliya usoo raray xafiisyada Qaramada Midoobay ee qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya kuwaas oo fadhiyay magaalada Nairobi. [gallery columns="4" td_gallery_title_input="Nicholas Dhoof" ids="4599,4600,4601,4602,4603,4604"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here