Sawiro Qoorweynta Berbera oo Wasiirka Biyaha ugu mahadnaqay Magacaabista Maareeyaha Biyaha

0

Salaadiin, Cuqaal iyo Qoorweyn ka soo jeeda Beesha Ciise Muuse ee Berbera ayaa maanta qado sharaf magaalada Hargeysa kula yeeshay Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac. Qado sharaftan oo ay fidiyeen Qoorweynta Berbera ayaa ujeedadeedu ahayd soo dhoweynta magacaabista Maareeyaha cusub ee Wakaalada Biyaha Berbera Khadar Maxamed Caalin. Qoorweynta Beesha ayaa wasiirka u sheegay inay soo dhoweynayaan magacaabista Maareeyaha Cusub ugana mahadcelinayaan. Wasiir Baashe Cali Jaamac ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay martiqaadkan, islamarkaana uu Maareeyaha Cusub yahay nin uu ku aaminay inuu shacabka Berbera ka haqab tiro baahida biyaha ee ay u baahan yihiin. Dhanka kale Wasiirka oo ka hadlayey gudi uu Maayerka Berbera u magacaabay inay maamulaan Biyaha Berbera ayaa sheegay in Dawladnimadu ay ku jirto kala dambeynta, wuxuuna yidhi “Dawladii Somaliyeed waxaa burburiyey kala dambeyn dawladnimo la’aan. Haddii Maayerka Berbera uu diido amarka Wasiirka, isagana waxaa berito diidaya xamaaliinta Dekada ee uu xukumo, sidaasdarteed waxaa u soo jeedinayaa inuu ka waantoobo faragelinta uu ku hayo Wakaalada Biyaha Berbera oo uu ilaaliyo kala dambeynta dawladnimo”. DAAWO VIDEOGA IYO SAWIRADII KULANKA: https://youtu.be/JMrFZVRh3nE baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf8baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf2baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf7baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf6baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf1baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf3baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf9baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf10baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf4baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf5baashe-iyo-ciise-muuse-qado-sharaf11 ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here