Sawiro Raiisal Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Kenya

0
Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa aqalka madaxtooyada kulan kula qaatay raysal wasaaraha Somaliya Hassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga Kenya.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin la dagaalka argagaxisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo si xoojinta xidhiidhka labada dal.

Kheyre ayaa madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta gaarsiiyey qoraal uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaas oo shacabka Kenya looga tacsiyeeyay weerarkii 15 bishan ururka Al shabab ay ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi.

Madaxwaynaha Kenya Mr Kenyatta ayaa waxaa u amaanay Somaliya sida Wanaagsan ee u kobcayo dhaqaalaheeda, isdhex-galka arimaha bulshada iyo la macaamilka dalalka caalamka, taasoo muujinaysa in dedaalkoodii uu midho dhalay.

Uhuru Kenyatta ayaa balan qaaday inay sii wadi doonaan oo kaalin wayn ka qaadanayaan dib u soo celinta ammaanka iyo caawinta dibu-dhiska Somaliya.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here