(Sawiro+Video): Xildhibaanada taageersan Xasan Shiikh oo Muqdisho ku shiray iyo madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay

0

MUQDISHO- Hoteelada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socota kulamo kala duwan oo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay la la leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku jira loolankii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan in ay ku kasbadaan Codadka Xildhibaanada. Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku shirsan Hoteelka SYL ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 200 oo xildhibaan, halka sidoo kale Hoteello uu ka mid yahay Hoteel Jazeera ay ka socdaan kulamo kala duwan. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo koox dilaaliin ah oo Puntland ka tagtay kuwaasoo golayaasheeda iyo shaqaalaheeda ka mid ah ayaa la sheegayaa in uu kulankan ka qayb galay. Wararku waxa ay sheegayaan in Gaas iyo kooxdiisu ay kulamo kala duwan la qaateen dhowr musharax oo ay u arkayeen kuwa ugu tunka weyn loolanka mid walbana ay u muujiyeen taageero iyadoo mid walba dhaqaale laga qaatay, balanqaad siyaasadeedna lala galay. Kooxdan waxa qorshahoodu yahay in madaxweynihii soo baxaba ay ku yiraahdaan waanu ku dhisnay. Sifadaas oo ah kalsooni daro iyo Munaafaqnimo waxa hore Puntland ugaga shaqaysan jirey qaar ka mid ah kooxdan dilaaliinta ah ee uu wato. Arintan Gaas iyo kooxdiisu sameeyeen waxay kusoo beegmaysaa xili ay doorashada madaxweynaha u sharaxan yihiin tiroba 3 musharax oo Puntland kasoo jeeda kuwaas oo kala ah Cumar Cabdirashiid. Cali Xaaji Warsame, iyo Siciid Cabdillaahi Deni. Wararku waxay intaas ku darayaan in saadaasha doorashada uu illaa iminka ku horeeyo madaxweynaha hadda talada hayey Xasan Shiikh Maxamuud oo Dawladda Ethiopia culays ku saartay dhamaanba madaxda maamul-goboleedyadu in ay la shaqeeyaan maadaama ay xildhibaanada lag soo xulay maamuladooda oo ay intooda badan musuqmaasuq kusoo saareen ay codkooda awood ku leeyihiin. Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ku beegan 08/02/2017 ayaa saacado koobani inaga xigaan iyadoo amaankana aad loo adkeeyey inta badana wadooyinka la xidhay. Daawo Sawirada xafladda Xasan Shiikh Daawo Video [video width="400" height="228" mp4="http://goojacade.com/wp-content/uploads/2017/02/Xasan.-Muqdisho.mp4"][/video]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here