SAWIRRO: Goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha oo la diyaariyay

0

1 Muqdisho (RBC Radio) Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay diyaargarowga ay ugu jireen doorashada. Waxaa si wanagsan loo diyaariyay goobta ay doorashada ka dhacayso oo noqon doonta xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni ee ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha,Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay doorashada inay ku dhici doonto waqtigeeda oo ah 8 bisha Febaraayo. 3 Waxaa kalo uu sheegay inay doorashadu ku dhici doonto si hufan oo la-wada arki karo,inta wuxuu ku darey inay dadaal ku bixin doonan sidii ay doorashada ugu dhamman lahayd sida ugu wanagsan. Doorashada madaxweynaha waxaa ka qayb-galaya ilaa 23 musharrax,waxaana codeeynaya 275 xildhibaan oo ka kooban gollaha shacabka iyo 54 mudane oo aqalka sare ah,waxaana tirada xildhibaannada codadkooda dhiibanaya marka leysku geeyo noqonayaan 329 xildhibaan. Kaliya hal maalin ayaa ka dhiman xilliga lugu ballamay doorashada inay dhacdo,waxaa xusid mudan in la adkeeyay amniga Muqdisho oo magaalada ay ku jirto bandow. __ Goojacade.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here