Sawirro Haweenka Boorame oo ku biiray WADDANI iyo Gudoomiye Cirro oo ka qaybgalay

0

Waxaa xalay Hotel Rays ee magaalada Boorama lagu qabtay Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu soo dhoweynayey haween weynaha reer Boorama oo ku soo biiray xisbiga WADDANI, islamarkaana muujinayey cuddooda taageero ee ay la barbar taagan yihiin xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI. Xaflada Haweenkan oo ka soo digarogtay xisbiga KULMIYE ayaa waxaa qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, mas’uuliyiin, haween weynaha ku soo biirayey iyo marti sharaf kale. Qaar ka mid ah haween weynaha ku soo biiray xisbiga WADDANI oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in gebi ahaanba ay u soo diga rogtaan xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaameen in uu yahay xisbi daacad ka ah in uu qaranka u horseedo isbedel dhabba oo umadda gaadhsiin kara horumar, caddaalad iyo sinnaansho, waxa kale oo ay dhalliilo xooggan u soo jeediyeen xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE , iyaga oo ku duray in ay hore ugu hungoobeen isla mar ahaantaana aanu waxba ka qaban baahiyaha kala duwan ee ay qabaan haween weynaha Somaliland. Daawo Cirro oo ka hadlaya Goobta https://youtu.be/K6j7AOrS0ug haweenka-boorame2haweenka-boorame5haweenka-boorame3haweenka-boorame4haweenka-boorame6haweenka-boorame1haweenka-boorame8haweenka-boorame15haweenka-boorame9haweenka-boorame7haweenka-boorame10haweenka-boorame11haweenka-boorame16haweenka-boorame12]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here