Sawirro Meydadkii ugu horeeyey ciidamadii Kenya ee lagu laayey Ceelcadde

0

Xalay Abaarihii 10-kii Fiidnimimo ayaa Waxaa Garoonka Dayuuradaha ee Wilson Airport ee magaaladda Nairobi ka degatay dayuurad Xamuul oo waday maydadka 4 Askari oo ka tirsan Ciidankii Kenyanka ee lagu dilay weerarkii ay Al-shabaab dhawaan ku qaadeen Saldhig ku yaalla Degaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo. Maydadka xalay laga dejiyey Nairobi ayaa waxay ku jireen Sanduuqyo Naxash ah oo lagu hagoogay Calanka Kenya, iyadoo Taliyaha Milliteriga Kenya iyo Saraakiil kale ku sugnaayeen Garoonka. Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalkaasi, Raychelle Omamo ayaa sheegtay inay weli socdaan Hawlgalka Baaritaanka iyo badbaadinta ee lagu raadinayo Raqda iyo ruuxa askarta Kenyanka ee weli lagu la’ yahay gudaha Somalia. Waxay sheegtay inay rajeynayso in maalmaha soo socda la keeni doono maydadka Askar kale. meyd-askar-kenyaan-ccade1meyd-askar-kenyaan-ccade2meyd-askar-kenyaan-ccade3meyd-askar-kenyaan-ccade5meyd-askar-kenyaan-ccade6meyd-askar-kenyaan-ccade4meyd-askar-kenyaan-ccade7]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here