Sawirro Mudaharaad looga soo horjeedo Shirkada DNO iyo Somaliland oo ka dhacay Xuddun

0

Mudaaharaad balaadhan oo laga soo horjeedo Shirkadda DNO ayaa ka dhacay Degmada Xuddun ee Gobolka Sool. Ujeedada banaanbaxan ayaa ah in lagu kiciyo shacabku si ay degaankooda u ilaashadaan iyo sidii indhaha Beesha Caalamka iyo bulshada Soomaaliyeedba loogu soo jeedin lahaa shirkadda DNO ee laga leeyahay dalka Norway. Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ka qaybqaatay Mudaharaadka waxayna isugu soo baxeen meel fagaare ah. Banaanbaxayaashu waxay siteen boodhadh ay ku qoran yihiin erayo liddi ku ah shirkadda DNO iyo wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland, oo ay ku qoraayeen halkudhigyo ay ka mid ahaayeen: “DNO waa burcada kheyraadka Somalia” “Somaliland ma haysato sharciyaddii ay ku maamuli lahayd kheyraadka dalkayaga”. Jaamac Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka Xuddun ayaa ku cambaareeyay Somaliland in uu qaaday tallaabooyin halis ku ah amniga guud ee degmadooda, wuxuuna ku tilmaamay xukuumadda Somaliland mid ku kacaysa dhaqamo burcadnimo ah oo lagu boobayo khey-raadka shacabka soomaaliyeed ka dhexeeya. Sidoo kale, Bashhir Axmed Xayir oo isna ka mid ahaa waxgaradkii ka qayb-qaatay dibad-baxa ayaa ka digay dagaal cawaaqib-xumo keena oo ka dhaca deegaankooda. Isagoo yiri. “Waxaanu mas’uuliyadda wixii colaad iyo dagaal ah ee ay keento shirkadda DNO dusha u ridanaya maamulka Hargeysa, waxaanan u sheegaynaa inaanu naf iyo maalba u hurayno difaaca hantida iyo kheyraadka dalkayga oo ay wada leedahay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.” Ugu dambeyn, bannaanbaxan oo u dhacay si nabad ah ayaa lagu tilmaamay in uu yahay kii ugu weynaa ee ka dhaca degmada Xuddun ee gobolka Sool inta la ogyahay taariikhda. Shirkadan ayaa waxay Somaliland kula heshiisay inay sahamin ka sameyso degaan baaxad leh oo dhaca degaano ka mid ah Sool iyo Sanaag. [gallery columns="4" td_gallery_title_input="Banaanbax Xuddun DNO" ids="4495,4496,4497,4498,4499,4500,4501"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here