Sawirro Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga Somalia oo shalay lagu dhaariyay xarunta madaxyooyada

0

Taliyaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar oo shalay lagu dhaarinayey Madaxtooyad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliyan Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Somalia ayaa hadal kooban ka jeediyay goobta, iyadoo uu kula dardaarmey madaxda cusub ee ciidammada inay meesha ka sii wadaan guulaha iyo horumarka uu ciidanka sameeyay muddadii ay xilka hayeen madaxdii ka horeysey. Xafladda lagu dhaarinayay Taliyaha Cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirrada. [gallery td_gallery_title_input="Dhaalin txds" columns="4" link="file" ids="3320,3322,3321,3323,3324"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here