Sawirro Wasiirro, Xildhibaanno Iyo Waxgarad Sheegay In Ay Xiriirka U Jareen Maamulka Hirshabeelle[SABAAB]

0

  • In aysan suurgeli karin in shacabka Hiiraan ay raalli ka noqdaan sedbursi, cadaalad darro iyo iska horkeenid.
  • Waxaan ka digeynaa in dagaallo sokeeye ka dilaacaan gobolka Hiiraan oo mas’uul ka yahay madaxwynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo maamulkiisa.
  • Waxaa ugu baaqeynaa dhammaan beelaha deegaanka Hirshabeelle ay qaataan go’aan mideysan oo ka dhan ah dhaqamadan ka soo horjeeda rabitaanka iyo nabadda Hirshabeelle.
  • In xubnaha baarlamaanka Hirshabeelle qaataan kaalintooda la xisaabtanka, ayna hor istaagaan dhaqamada wax u dhimaya xasiloonida Hirshabeelle.
  • Dowladda federaalka ah, shacabka Hirshabeelle iyo beesha caalamka waxaan ku wargelineynaa in Cali Cabdullahi Cosoble mas’uuliyadeeda qaadi doono haddii uu dhiig ku daato maamulada qaldan ee Hiiraan ka magacaabay.
  • Beeshu waxaa ay joojineysaa dhammaan wixii wada shaqeyn ah oo ay la laheyd maamulka Hirshabeelle inta laga xalinaayo tabashooyinka beesha.
  • Beesha Baadi Cadde, waxaa ay ka soo horjeedaan magacaabista madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble uu ku magacaabay guddoomiyeyaalsha degmooyinka  gobolka Hiiraan iyo sameynta deegaannada Halgan,Ceel Cali iyo Farlibaax taas oo sida ay sheegeen aan cidna laga tashan. Daawo Sawirada:-   ]]>

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here